hoog
(m.l)Dhacdo leh dhibaato lagu hoobto; ba'; belo.
hoog
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-gay, -gtay)Dhacdo dhibaato lagu hoobto leh la kulmid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh hoog ↴
ba' [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato aad u badan.
2. (e.d) Dhibaato iyo waxyeello xun cid
gaarsiiya; baabba'. baabba
ba' [m.fg1] (-'ay, -'day; -bi'i)
1. Hoog iyo dhibaato aad u weyn la kulmid. 2. Ka b.: xaalad leh gaajo, harraad, ciil iwm ka bixid.
3. Ka b.: midab, wasakh iwm meel ay
yaalleen ka tirtirmid.
nabsi [m.l]
1. Hoog iyo dhibaato lagu abaal mariyo qof abaaldarnaaday ama ballan furay. 2. Hoog iyo dhibaato uu la kulmo qof eed galay.
basanbaas [m.l]
Rafaad waxyeello weyn leh; hoog; ba'.
bi'i [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Hoog iyo dhibaato gaarsiin; hoojin, beleyn. 2. Hawl, arrin iwm. si gurracan u fulin. 3. “Ka bi'i”: wax meel ku yaal ka tirid; baabi'i..
duf [m.dh]
1. D. ah: wax rifan, wax calal ah. 2. D. ah: dulli. 3. D. iyo dooriso!: hoog!; ba'!.
dugey [Erey Dareen | Exclamation]
Erey qofkii dhibaato weyni gaarto uu yiraahdo; jabay!; hoogey!; ba'ay.
feleg [m.l]
1. Cilmi al f.: xiddigaha wareeggooda iyo sida ay dadka u saameeyaan. 2. Xiddig weyn. 3. (-gyo, m.dh) Ayaandarro, dhibaato, hoog, masiibo. ld falag.