horaad
(m.l) (-ddo, m.dh)1. Naasaha xoolaha labada horreeya oo xagga xudunta xiga midkood. 2. Naasaha dumarka.
horaad
(m.l)(xis.) Ururka dhammaan xubnaha hore ee lammaaneyaal horsan ee xiriir. Guud ahaan waa ururka leh x kutirsaneyaal ee la dhigo dhidibka jiifa (dhidibka-x) ee garaaf.
horaad
(m.dh) (-yo, m.l)Haan ama dhoon loogu horreysiiyo rarka ratiga dhaanka ah. ld kalsaar.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh horaad ↴
xag [m.dh]
Candhada xoolaha horaad iyo danbeed isku dhinac ah.
aroorhoraad [m.dh] (-ddo, m.dh)
ld arooryohoraad.
arooryohoraad [m.dh] (-ddo, m.dh)
Marka oogga waaberi dilaaco. ld aroorhoraad.
bidaarhoraad [m.dh]
Bidaarta gasha madaxa intiisa hore.
caweysinhoraad [m.dh]
Xilliga u dhexeeya siddeedda fiidnimo ilaa sagaalka.
dhoonhoraad [m.dh] (-dyo, m.dh)
Haan biyood weyn oo fanhoraadka awrka la saaro.
fadgooyo [m.dh]
1. Qiimagoo lagaga deyanayo gataha u horeeya waxa uu bixiyo. 2. Hanti yar oo xoolo gooyo ahaan qof loo siyo. 3. Waxtar horaadka laga helo shay kharaj ku baxay. 4. Cadad waaweyn oo wax loo googooyo. ld fadgoo.
fanhoraad [m.l] (-dyo, m.dh)
Dusha xoolaha la rarto dhankeeda hore ee garbaha xiga.
fiid-horaad [m.l]
Fiidka intiisa hore.
gelinhoraad [m.l]
Habeenka oo saddex qaybood loo dhigay qaybtiisa hor.