iibso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)Bedeeco lacag ku beddelesho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iibso ↴
cirbadhiibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Iyadoo meel sare la tiigsanaayo faraha fooddooda ku istaagid. ld ciridhiibso.
ciridhiibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
ld cirbadhiibso.
dhiibso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Maro, harag iwm giijisasho.
dhiidhiibso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Qof isagoo fadhiya lugaha fidsasho; dhiidhiib u fariisasho.
diibso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Diib marsasho (qof).
iibsasho [m.f.dh]
eeg iibso. ld iibsad, iibsi.
mahiibso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
ld mihiibso.
mihiibso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Hanti aan la siin qaadasho (qof). ld mahiibso.
iib [m.l]
Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.