iidaan
(m.l)Subag, caano, maraq iwm oo cuntada yaabisnimada looga ba'sho.
iidaan
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-aamay, -aantay; -aami)Subag, caano, maraq iwm cunno yaabis ah ku darid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh iidaan ↴
yaabis [m.l]
1. Yaabis ah: aan iidaan (ama goosaar)
lahayn (cunto iwm); engegan. 2. ld yaabin. engegan, yaabin
yaanyo [Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective]
(bot.) Miro guduudan ama cillaan xigeen ah oo la cuno iyagoo ceerin ama bisil; inta badan iidaankaa lagu daraa.
afuuf [m.l]
1. ld afuufid. 2. Soor a. ah: soor aan iidaan lahayn. 3. Xirsi yar oo ummulaha iyo carruurta loo xiro.
dhoqro [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-oday, -otay)
Cunto la cunayo meel godan oo iidaanka lagu shubo u yeelid.
dufan [m.l] (-nno, m.dh)
Subag, saliid, xayr, iwm oo wax lagu iidaanto laguna subkado.
garcadde [m.l]
Bariid ama baasto aan sanuunad ama suugo lahayn oo caano ama iidaan kale lagu daray. ld gaarcadd.
iidaaman [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-mnaa, -mnayd)
Wax iidaan loo yeelay ahaansho.
iidaamid [m.f.dh]
eeg iidaan².