jeermi
(Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective)

Noole aad u yar, ili-maqabatay ah oo cudurrada keena.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh jeermi

benisiliin [m.dh]
(daaw.) Daawo ka sameysanta jeermiga loo yaqan “penicillum - notatum” loona isticmaalo daaweynta caabuqa oo ay keenaan jeermiyaal aad u kala duwan.

cudur [m.l] (-rro, m.dh)
Caafimad-darro jirka noolaha ama qayb ka mid ah ku dhacda, oo uu keeno jeermi iwm.

cudurro-faafa [m.dh]
(daaw.) Cudurrada la is qaadsiiyo waxaana cudurrada la isugu gudbin kara: ayadoo la taabto qof buka jirkiis, ayadoo la qaado qalab leh jeermigii cudurka ama ayadoo la neefsado dhibicyo calyo ah oo qufaca ka yimaado iyo neef jeermi sidda.

cudurside [m.l]
(daaw.) Noole ka qaybqaata koritaanka jeermiga qaarkisa cudurrada keena.

dhuux-lafo-holac [m.l]
(daaw.) Halaama- coodka dhuuxa iyo lafaha oo uu keeno caabuq. Waa khatar la socota markii lafi jabto, waa in si aad ah looga taxadaraa mar walba oo dhuuxa la gaaro xilliga qallinka lafaha iyo xubno-isgoysyada. Waxa kale oo keeni kara jeermi dhiigga la socda.

foormaliin [m.dh]
(kiim.) Milan ka kooban biyo iyo 40% oo “formaldehyde” ah loona isticmaalo jeermidile (sterilization) ama dhajiye (fixative) gaar ahaan qaybta cudur barashada (pathology) waxaana lagu dilaa “antharax spores”.

golobuliin [m.l]
(c.nafl.) Mid ka tirsan qayb borotiin ah oo ku milma milancusbeed aan rasiin ahayn kuna xargaga kulka. Qaybta badan oo golobuliin ah ayaa dhiigga ku jira: alfa, beeta iyo gaamma golobuliinka qaarkood ayaa ah ka hortagayaasha jeermiga iwm. Qaarna waxayd qaadaan: birta, dufanka iyo kobbarka dhiigga ku jira.

holac-xuub-ubuceed [m.l] (-cyo ..., m.dh)
(daaw.) Halaamacoodka xuubka ubacda. Infekshinka Iaad ee xuubka waxa keena baktiiriya dhiigga la socda, sida: bleeumokooko, baktiiriyada qaaxada, iwm. Astamo: xanuun ku faafsan uurkujirtada, qandho, iyo culeyska jirka oo is dhima. Biyo ayaa xuubka fariisan kara ama infekshinka ayaa sii kordhiya uur biyood horay u jiray. Infekshinka 2aad xuubka waxa keena dalooshamid ama dillac ka dhaca xubin ka mid ah uurkujirtada xubnaheeda - sida boog xiidmeed, qabsin waxaana u sabab ah soo gelitaanka jeermi iyo dhacaanka xubnaha uurkujirtada oo waxyeelleya xuubkaas.

jeermidile [m.l] (-layaal, m.l/dh)
(daaw.) Walax kiimikeed oo disha ama reebta koritaanka bagtiiriyada iyo jeermiyada kale ee cudurrada keena isla markaasna aan sun ahayn oo aan wax u dhimeyn jirka, afka, nabarrada iwm.

jeer [m.l]
1. Goor; Waqti; Ammin. 2. J.ma: goorma?.

jeer [m.dh]
(c.nafl.) Naasley beri biyood ah, xoog leh, af ballaaran, aan dhogor lahayn, lugo gaagaaban oo ku nool webiyada Afrika.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg