kalabbaxso
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-saday, -satay)Wax duubnaa kala fidsasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalabbaxso ↴
kalabbaxsasho [m.f.dh]
eeg kalabbaxso.
kalabbax [m.l]
Kala miirmidda laba waxood oo isku jiray ay kalamiirmaan.
kalabbax [m.l]
(kiim.) Falgalka kiimikaad ee iskudhis u kala jabiya iskudhisyo ka kooban molikuyuullo fudud.
kalabbax [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-xay, -xday)
1. Laba shay oo isku jiray kala miirmid. 2. Laba shey ama ka badan oo isku jiray kala furmid. 3. Derin, maro iwm kala siibmid. 4. Kala tegid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg