kalsoon
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-naa, -nayd)Ku k.: aan dareen ka qabin ama aaminsan ahaansho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalsoon ↴
aammin [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Cid kalsooni ku qabid. 2. Ku aa.: cid si kalsooni leh wax ugu dhiibasho.
ammaano [m.dh]
1. Wax cid loo dhiibto si ay u xafiddo. 2. Kalsooni cid lagu qabo; aamminaad.
cuqdad [m.dh] (-do, m.l)
(c.naf) Cudur nafsaani ah oo qofka ku beera shaki iyo kalsooniddarro uu ka qabo naftiisa iyo dadka kaleba. ld cuqdi, cuqdo.
daaji [f.g/lg2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) U muujin kalsooni iyo debecsanaan qof dhagar lala maagganyahay. Tus. “Dambiililhii mudda dheer waa la daajiyay dabadeese waa la qabtay”. 2. (f.lg) Xoolo meel daaq leh soofin. ld daaqsii.
dhaado [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-aatay, -aadatay)
1. (f.g) Dhaad ka xirasho (neef). 2. (f.g) Gabar doonid. 3. (f.mg) Ku dh.: cid si kalsooni ah isugu hallayn.
kalsoonaan [m.f.dh]
eeg kalsoon. ld kalsoonaansho, kalsooni.
kalsoonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kalsoonaan.
kalsooni [m.dh]
ld kalsoonaan.
kalsoonidarro [m.dh]
Aan aamin lagu qabin.