kalwi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax si degdeg ah oo is dabajoog ah u qabasho ama dhihid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kalwi

kalwin [m.f.dh]
eeg kalwi. ld kalwis (2).

kalwis [m.l]
1. K. ah: Beer la gooyay xabbad-xabbad badar ah oo haray. 2. ld kalwin.

kal [m.l] (-lal, m.l)
1. Waa; goor; sano. 2. Miile.

kal [m.dh] (-lo, m.l)
1. Hiyi; laab; qalbi. 2. Lafaha dhudhammada midkood. 3. Tibta mooyaha wehelisa ee badarka lagu tumo ama awrta lagu raro. 4. Meel ballaaran oo biyuhu galaan.

kal [m.dh]
(jool.) Qayb ka mid ah taxanaha waqti jiyoolojiyeedka, oo ah in ka mid ah waaga, kal naftigiisa waxaa loo sii qayb-qaybiyaa saman-saman.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg