kankoon
(m.l)

Wax sida kubbadda u wareegsan ama qaab u eg leh.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kankoon

dhibic [m.dh] (-bco, m.l)
1. In yar oo hoore qaab kankoonsan leh oo meel ka soo go'a. 2. Tirada tartan, imtixaan, ciyaar iwm laga keeno. Tus. “Cali imtixaanka wuxuu keenay konton dhibcood”. 3. Roob xoog leh. 4. Joogsi.

dhibic [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-bcay, -bicday; -bci)
In yar oo hoore ah, qaab kankoonsan leh meel ka soo tifqid.

dilindillee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Wax duuban ama kankoonsan sida birmiil iwm garaangarin.

dilindillo [m.dh]
Garangarinta wax kankoonsan ama duuban oo la garaangariyo. ld dilindillayn.

gariirshe [m.l]
Qori yar kankoonsan, af dhuuban, oo caruurta sibirka ku wareejiyaan iyaga oo xarig la dhacaya; dhulma.

gulungulco [m.dh]
1. Qaab gaaban oo kankoonsan leh; kuusan; lucuuman. 2. Daruur cufan oo biyo sidda ama da'aysa. 3. ld gulungulceyn. ld dulundulco.

kankoonsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Wax wareegsan ahaansho.

kankoonsanaan [m.f.dh]
eeg kankoonsan. ld kankoonsanaansho.

kankoonsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kankoon-sanaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg