kansar
(m.l) (-rro, m.dh)

(daaw.) Buro xume oo dhan ha ahaado “karjinome” ama “sarkoome” wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kansar

ibidimooloji [m.l]
(daaw.) Barashada cudurrada sida dhakhsaha leh u fida dad badanna mar ku wada dhaca si loo garto habkii loo joojin lahaa ama loo hakin lahaa iyo habkii looga hortagi lahaa mustaqbalka. Ma aha cudurrada la is qaadsiyo keliya waxa ku jira cudurro kale oo bey'adda la xiriira: kansarka, cudurrada wadnaha iwm.

onkojiin [m.l] (-nno, m.dh)
(baay.) Jiin ay leeyihiin fiirusyadu iyo unugyo naasley oo keeni kara kansar.

onkooloji [m.l]
(daaw.) Barashada iyo ku shaqeynta daaweeynta kansarka.

aqoonta kansarka [m.l]
(daaw.) eeg onkooloji.

burocaanood [m.dh]
(daaw.) Burada aan ku fideyn oo aan baabi'ineyn sooha ama xubinta ay ka baxday isla markaana aan meel kale oo jirka ka mid ah aan tageyn intay dhiigga raacdo; waana burada aan kansarka ahayn.

cadbaar [m.l]
(cadadbaar, m.l) (daaw.) Cad yar oo laga jaro xubin ka mid ah jirka si loogu baaro waynaysada waana habka ugu saxsan oo lagu sugo aqoonsiga kansarka.

kansarbeereed [m.l]
(daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.

kansarka dhuuxa [m.l]
(daaw.) Cudur ay sababaan unugyada dhiigga ee cad cad markay aad u bataan. Cudurkani dhiig yari ayuu keena beeryaraduna way ballaadhataan. Noocyada kala duwan ee unugyada dhiigga cadcadi markay bataan, waxay jidhka ku ridaan noocyo kala duwan oo kansarka dhuuxa ah. Cudurkani wuxuu keeni kaara dhimasho.

kansarka sambabka [m.l]
(daaw.) Kansar ka baxa dhuumaha neefta (kansar dhuumeed) ama sambabka.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg