karaamo
(m.dh)

1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karaamo

barako [m.dh]
1. Wanaag loo aayo oo laga helo wax Eebbe ku siiyey sida carruurta, xoolaha iwm; karaamo. 2. Badasho, taran.

karaamaysan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax karaamo leh ahaansho.

karaamee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-meeyay, -meysay)
1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn.

tuf [m.dh]
1. Cudur lafaha gala; riix. 2. Duco; karaamo. 3. Kasoobbax halis ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg