karaan
(m.l)Awood wax qabad.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karaan ↴
aaddi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Cid meel ku toosin; ld aadi, aadsii. 2. Ku aa.: wax dalool ciriiri ah oo uu geli karo ku beegid. 3. Ku aa.: wax
muuqaalkooda wax kale ku gudbid. 4. Isku
aa.: wax aan nidaamsanayn sida ay isu raaci karaan u nadaamid. aadi, aadsii
naasacelis [m.l] (-syo, m.l)
Maro dumarka naasaha ku xidhaan oo dhexda ku leh laba god oo naasuhu geli karaan, dacalladeeduna ku dhamaadaan biro isa sudimi kara; keeshali; rajabeeto.
taalaasemiiya [m.dh]
(daaw.) Cudur dhiigga ku dhaca oo la iska dhaxlo, kuna badan dalalka badda dhexe, Eeshiya iyo Afrika; waxaan caadi ahayn qaybta borotiinka ee heemogolobiinka. Unugyada cascas ee cudurku saameeyo caadi uma shaqeyn karaan, waana burburaan, taas oo keeneysa dhiig yari.
afcaan [m.l]
(afaf-caan, m.l) (c.af) Luqadda caadiga ah oo looga hadlo ama laga fahmo dhul ballaaran, dadyow kala duwanna ay ku hadli karaan ama fahmi karaan inkasta oo uusan ahayn afka waddaniga ah. Af Inqiriisku waa af-caamka ugu muhiimsan, oo ay ku hadlaan fahmaanna in ka badan dunida nuskeed.
awaare [m.l]
Ciid buda ah oo cagta, dabaysha iwm. si sahlan u kicin karaan.
birdhaf [m.l] (-fyo, m.dh)
(kiim.) Iskujir ka kooban laba birood ama in ka badan (sida boronas, araas) ama bir ay ku dhafanyihiin xaddi yar oo birmaahayaal ahi (sida istiil). B.yadu waxay ahaan karaan laba weji oo isku laban ama iskujir iskukaan ah.
booddo [m.dh] (-ooyin, m.l)
(c.nafl.) Xasharaad dhiigga dhuuqa oo aan baalal lahayn, lugose leh ay ku booddo. B.da waaweyn si aan joogto ahayn ayey waxay ku dul noolaadaan shimbiraha iyo naasleyda. Qaarka dadka cunana waxay qaadi karaan cudurro kala duwan.
cadho [m.dh]
(daaw.) Caallir maqaarka oo uu keeno “sarcoptes scabiei”. Cadhadu waxay caan ku tahay cuncun badan weliba habeenkii, finan cascas, iyo aalaba caallir kale oo ka dul taga dhiigga. Deriskunoolka waxay dhex jeexdaa maqaarka ukumaheedana ku daadisaa, yaryarka ukunta ka soo baxana si sahlan ayey qofka kale u raaci karaan.
daal [m.l]
(daaw.) Noog xagga jirka iyo maskaxda oo ka yimid hawl adag ama muddo dheer socotay. D.ka muruqyada waxaa keena walax aan waxtar jirka u lahayn oo ka yimaada metaboliisimka oo ku urura muruqa kana farabata shaqada dhiigga oo dibedda jirka uga saara. Nafaqo xumo ama cudur waxay qofka u keeni karaan d. dheeraad ah.
dabar [m.dh]
(kiim.) Awoodda isdhexgalka ee isku qabata laba atam ama in ka badan ama koox atammo ah. Xooggaga dhaliya dabarradu waxay u kala duwanaan karaan kuwo aad u dabacsan oo molikuyuullada dhexmara (ilaa 0.1 >kJ mol-1) iyo kuwo ah dabarro kimikaad oo laxaad badan (ilaa 10 3 kJ mol-1).