karaar
(m.l)1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho.
karaar
(m.l)(fiis.) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).
karaar
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-ray, -rtay)1. Cayilid. 2. Badasho; buuxid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karaar ↴
isle'egta-socodka [m.dh]
(xis.) Mid ka mid ah afarta isle'egood loona adeegsado walxaha xariiq toosan ku maraaya karaar madoorsoome ah (a), isle'egyaadan oo fogaanta la jaray (s) ku xidhiishinaayo amminta ay qaadatay (t).
karaar-cufisjiidad [m.l]
(fiis.) Summad: g. Karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cufisjiidadka dhulka. Tijabo ahaan, karaarka cufis-jiidadku, ugu dhawaan, waa madoorsoome marka loo eego oogada dhulka, waana ka xor dabeecada iyo samayska walaxda soo dhacaysa (taas oo aan la tixgelin ca-daadiska hawada).Tani waxa ay xaqiijisaa saamigalnimada culeyska walax-da iyo cufka walaxda.
karaari [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.
karaarid [m.f.dh]
eeg karaar³.
karaarin [m.f.dh]
eeg karaari. ld karaaris.
karaaris [m.l]
ld karaarin.
xoog [m.l] (-gag, m.l)
(fiis.) Summad F. Fal kasta oo beddela ama isku daya inuu beddelo xaaladda negaashaha walax ama ku jirta socod madoorsoome ah. Xoogga, F, ee ku abbaaran walax cufkeedu (m), dhalinayana karaar ah, (a), waxa lagu helaa F = ma Halbeegga cufku waa Niyuutan (N).