karah
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-rhay, -rahday; -rhi)Wax niyadda ka nicid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karah ↴
karahsad [m.l]
ld karahsasho.
karahsasho [m.f.dh]
eeg karahso. ld karah-sad, karahsi.
karahsi [m.l]
ld karahsasho.
karahso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax niyadda ka nicid.
karhid [m.f.dh]
eeg karah.
sabbaax [m.l] (-xyo, m.dh)
1. Ciid cad oo nadiif ah oo xeebaha badda laga helo. 2. S. ah: qof araggiisa la karahsado.
sabbaaxad [Magac Dheddig Khabar | Noun Faminine Predicate] (-do, m.l)
S. ah: naag araggeeda laga naxo oo la karahsado.
saxal [m.l]
1. Meeraha u dhexeeya dhulka iyo Mariiqa; raage. 2. Waqti dhibaato badan oo qof mushkilaysanyahay. Tus. “Cali saxal baa haya”. 3. S. ah: qof nasiib daran oo la karahsado.
kar [m.l]
1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.
kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.
kar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.