karan
(m.l)

Martisoor weyn; diyaafad.

karan
(m.dh)

1. Baargo'idda awr raraynimo loo jarabbaray yeesho. 2. Xilli roob badani ka da'o waqooyi galbeed oo ku beegan bisha Luulyo.

karan
(Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1) (-rmay, -rantay)

1. (f.g) Awr rarooy ah baar go'id. 2. (f.mg) Maro, harag iwm wax kar leh noqosho.

karan
(Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4) (-rnaa, -rnayd)

Wax kar leh ahaansho (maro, harag iwm).

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karan

karantiil [m.l]
ld karantiin.

karantiin [m.l]
1. Meel lagu takooro nafley cudur halis ah qabta. 2. K. ah: nafley cudur halis ah qabta oo meel lagu go'doomiyay. ld karantiil.

karantiin [m.l]
(daaw.) Muddada qof ama neef xoolo ah lagu hayo meel duwan si looga hortago fidista cudur la isqaadsiiyo. Waagii hore muddada karantiinku wuxuu ahaa 40 beri, hadda cudurrada kala duwan waxay leeyihiin muddo karantiin oo kala duwan.

karmid [m.f.dh]
eeg karan³.

karnaan [m.f.dh]
eeg karan4. ld karnaansho.

qoqob [m.l] (-bo, m.dh)
1. Dhis, raro, ood iwm oo lagu kala qaybsho guri, xero iwm. 2. Dhul yar oo hareeraha ka xaydaaman. 3. Karantiil.

kar [m.l]
1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.

kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.

kar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg