karkarin
(m.dh)1. Dhowr jeer karin. 2. Kar-kar gaarsiin (biyo iwm).
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karkarin ↴
bayli [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Biyo aad u karkarin.
salfar [m.l]
(kiim.) Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culays-kiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.
xareedayn [m.dh]
(kiim.) Hab ka kooban karkarinta hoor iyo qaboojinta uumigiisa. Xareedaynta waxa loo isticmaalaa safaynta hoorarka ama kala sooridda xubnaha iskujir hoor ah.
karkar [m.l]
1. Tolmo lagu sameeyo dhar iwm. oo meelo badan ka dildillaacay. 2. K. ah: qof dirac ah. 3. Karka iyo rogmashada biyaha iyo waxii la mid ah oo kululaada.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg