karti
(m.dh)

Awood u suurtaggelineysa qof inuu hawl si fiican u qabto.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh karti

baabba' [m.l]
1. Dhibaato weyn oo wax ciribtirta. 2. B. ah: wax aan waxtar lahayn oo karti yar. 3. ld baabbi'id baabbi'id

maakhad [m.dh]
1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.

naag [m.dh] (-go, m.l)
1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.

taag [m.dh]
1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.

waalli [m.dh]
1. Cudur kasta oo kartida wax lagu kala garto baabi'iya, dhantaala ama wax u dhima. 2. (-iyo, ml.) Gogol ka samaysan weylo yaryar hargahooda layskuna tolo; weylaalis.

acyuun [m.dh]
1. Jaadadka geela mid ka mid ah. 2. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto. ld cayuun¹.

adag [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4]
(adkaa, adkayd; ad'adag) 1. Wax aan jilicsanayn ahaansho. 2. Wax xoog iyo karti leh ahaansho.

afmiinshaar [m.l] (-rro, m.dh)
Qof ku meel mariya wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto. ld afmiishaar.

afmiinshaaree [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-reeyay, -raysay)
Qof wuxuu doona codkarnimo iyo karti dhagari ku jirto ku meel marin. ld afmiishaaree.

areebo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Naag karti xun oo aan nadiifin karin jirkeeda, gurigeeda iwm; basari; baali; arraajo.

kar [m.l]
1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo.

kar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo.

kar [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg