kaw
(Magac Dheddig Shanqar-raac | Noun Feminine Ideophone)

Erey ulajeeddadiisa laga garto wax go'ay (xarig go'ay; naf baxday); kaf.

Waakawataa waakasitaa*

Waa ka Sitaa, Waa ka wataa Waa kawadanaa Waa ka sidataan……jamac Ahaan


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaw

cakaw [m.l] (-wyo, m.dh)
Carjawda ku taal dhegta gudaheeda ee uu codku ku dhaco.

dhakaw [m.l]
Tigin; dhidib; udub.

dhalo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ashay, -alatay)
1. Ilmo uur ku jira ifka (aaduunka) imaansho. 2. Soo bixid ama kawsasho (bil ama dayax); bilasho. 3. Wax aan horay u jirin, abuurmid. Tus. “Kacaan baa dhashay”. 4. Kubbad lagu ciyaarayo shabaq gelid.

hilible [m.l] (-layaal, m.l/dh)
1. Qof hilibka ka ganacsada; kawaanle. 2. Kawaan.

kabawaar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Roob da'ayey joogsasho. ld kawaweer².

kabawaarid [m.f.dh]
eeg kabawaar². ld kabawaar¹, kabawaaris, kawaweer¹, kawaweerid.

kawaamid [m.f.dh]
eeg kawaan². ld ka-waanid.

kawaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo.

kawaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami/-aani)
Neef si hilibkiisa loo cuno qalid.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg