kaxayn
(m.f.dh)eeg kaxee.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaxayn ↴
wad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Xoolo, dad iwm meel ay joogeen ka kaxeyn. 2. Gaadid (markab, baabuur, iwm) meel ka kaxayn. 3. (f.g) Hawl la hayey sii fulin. 4. (f.mg) Ku w.: wax mala-awaalid. Tus. “Waxaan ku wadaa in uu maanta cali imaan doono”.
aroori [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Xoolo oomman meel biyo leh u kaxayn. 2. Hoos u dhigid. 3. Qof hurda riyo wax ku tusid; qof seexin. 4. Wax wax kale ku libdhin.
booji [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Qof madax furasho laga rabo xoog ku kaxayn; afduubid. 2. Gabar guur laga rabo xoog ku kaxayn si loo soo mehersado; dhicid.
carraabi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Wax galab meel u kaxayn. 2. Marti is dhaafin.
duub [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-bay,-btay)
1. (f.g) Dermo, maro, xarig iwm dhowr jeer isku-dulwareejin. 2. (f.g) Nabar gaarso ku marid. 3. Cid boqrid. 4. Cajalad, hadal, hees, iwm ku sajalid. 5. (f.g) Xoolo si ay u dheereeyaan u kaxayn. 6. (f.g) Xoolo jihaday u socdeen ka leexin. 7. (f.mg) Isk u d.: qof ku dhegid.
hoyaadi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Xoolo, dad iwm waqti galab ah hoy u kaxayn.
qafaal [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aalay, -aashay)
1. Cid xoog ku kaxayn si dan laga lahaa loogu fusho. 2. Meel dhir ka bannayn si beer looga dhigo.
qumi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. (f.g) Xoolo kaxayn. 2. (f.mg) U q.: awr hal abaahinaya caarka ugu toosin. 3. (f.mg) U q.: cid arrin iwm u fulin.
xug [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-gay, -gtay)
1. Xoolo isku duuban, si degdeg ah u kaxayn, u eryid. 2. Si aayar ah maqaarka ama xuubka uga saarid. 3. Hilib ku haray maqaarka ka jarjarid. ld hug.