kaxee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-xeeyay, -xaysay)

Wax soconaya oo meel joogey ka wadid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaxee

unug-maskaxeedka dhaqaaqa [m.l]
(c.nafl.) Unugyada sameeya mareennada u dhexeeya maskaxda iyo xubinta dhaqaaqa, (muruqa, lafaha) midkood.

dhiigbax-maskaxeed [m.l]
(daaw.) Dhigbax ka yimid halbowle oo maskaxda ku furma, sida badan waxa sabab u ah cudur ku dhaca xididdada dhiigga iyo dhiigkar.

duub [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Xoolo si loo kaxeeya meel isugu keenid.

halaamacoodka sooh-maskaxeedka [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka maskaxda waxa keeni kara fiirus ama baktiiriya ama waxay ka iman kartaa jir kahsi ka yimid talaal.

jirrid-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(daaw.) Qaybta maskaxda ee ka kooban maskax dambeed, maskax dhexaad iyo boonas. Waxay u egtahay kuna xidhiidhsantahay xangullaha. Maskax dhexaadku waxay xukuntaa isuna keenta falnaqyada, sida neefsashada kuwaas oo ka yimaada xarumaha sare ee maskaxda iyaga oo sii mara marinno dareenwade oo wada shaqeeya.

kaxayn [m.f.dh]
eeg kaxee.

qafaal [m.l]
1. Si xoog ah oo cid loo kaxeeyo si dano laga lahaa loogu fushado. 2. Meel dhir lahayd oo la baneeyo si beer looga dhigto.

qafaalo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-aashay, -aalatay)
Cid xoog ku kaxeeysasho si dan laga lahaa loogu fushado.

qoqob-horraad-maskaxeed [m.l] (-dyo, m.l)
(c.nafl.) Qoqobka hore ee qayb bareed walba ee maskaxda kuna fadhiya ilaa xagga dambe xarriiqda dhexe.

kax [m.dh]
Meel bannaan oo aan lahayn geedo dhaadheer, caws iyo nagaarse leh.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg