kaydi
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-iyay, -isay)

Wax kayd ahaan meel u dhigid.

Kaydiso*

1. Xasuusta miskaxda 2.meemoriga taleefanada


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaydi

jaabbiyad [m.dh]
Berked biyaha loogu kaydiyo beeraha timirta.

saaf [m.l]
1. S. ah: hilib jiir ah oo la balballaariyey oo subag ama saliid lagu shiilay lana kaydiyey. 2. ld saafid.

bakaar [m.dh] (-ro, ml.)
1. Godka badarka lagu kaydiyo. 2. Badar muddo god ku jirey. ld bukaar.

beeryaro [m.l]
(c.daaw.) Xubin ay leeyihiin lafdhabarleydu, oo ku yaalla caloosha dabadeeda, kaas oo asal ahaan ka samaysan nudo limfo oo isu tegey. Shaqadeeda waxa ka mid ah soo saaridda limfosaytyada iyo baabi'inta walxaha qalaad. Waxay u beesad dhaqantaa sidii kaydiye unugyada cascas, waxaana ay joogteysaa wareeggooda tiro ahaaneed.

biirso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax la kaydinayo hadba in ku kordhisasho..

dhigaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax kaydin.

dhigan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-gmay, -gantay; -gmi)
1. Wax la kaydiyey noqosho. 2. U dh.: wax, wax kale la qiima ah noqosho. Tus. “Macawistu waxay u dhigantaa shaalka”.

dhiigmiir [m.l]
Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.

dhitee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Caano kaydin.

dhuux-geed [m.l]
(baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.

kay [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koobaad ee kelida ah. Tus. “Waa isku kay mid”.

kay [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1]
(kaayay, kayday; kaayi) ld kaay². .

kay [dk.lh.l] (-kay)
ld kayga². .

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg