kaydin
(m.f.dh)

eeg kaydi.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kaydin

biirso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Wax la kaydinayo hadba in ku kordhisasho..

dhigaali [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Wax kaydin.

dhiigmiir [m.l]
Nafley nool oo dhiig laga shubto, kaydin ama dan kale darteed.

dhitee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-teeyay, -taysay)
Caano kaydin.

dhuux-geed [m.l]
(baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.

madhxiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(fiis.) Ratibaad laba gudbiye oo uu ma-gudbiye u dhexeeyo, leh awoodda kaydinta saldanabka. Madhxinta madhxiyuhu waxa ay ku xirantahay xajmiga, qaabka iyo habka ratibaadda gudbiyeyaasha.

xusuus [m.dh]
1. Awoodda maskaxda ee kaydin-ta dhacdooyinka. 2. Gocashada dhacdo qof raad ku reebtay.

kayd [m.l] (-dad, m.l)
Cunno, lacag iwm oo meel loo dhigto in waa dambe la cuno ama wax lagu qabsado.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg