kee
(mu.we.l)kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” .
kee
(dk.we.l) (-kee)Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”.
Aankaala aankeed*
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Macne Dheeraad ah
Micnaheedu yahay kuuritaanka qof iska dhega tiraya waxa aad usheegeysid
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kee ↴
aafo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhibaato weyn oo abaar, cudur ama colaadi ay keentay oo guud ahaan u saameysa nafley badan; dhibaato aad u weyn.
aaho [m.dh] (-ooyin, m.l)
Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.
obiyum [m.l (daaw.)]
Dawo laga miiro geedka la
yiraahdo “poppy papaver somniferum” oo
xanuun bi'is ah hurdana keenta maadama ay
morfiin ku jirto.
ha [qr. 1. (nax.)]
Qurub ka hormara falka wax lagu farayo cid kale. Tus. “Wiilasha buugta
ha akhriyeen”. 2. Qurub ka hormara falka wax lagu reebayo (fal amar diidmo). Tus.“Ha keenin!”.
laab [m.l (jool.)] (-bab, m.l)
Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
yaa [qr.]
Yaan: markii qurubka diidmada 'aan
2' lagu lifaaqo amar diidmo ayuu muujiyaa. Tus. “Yaanu keenin”.
caabuq [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka caloosha
iyo mindhicirka sida badan waxa keena fiirus ama baktiiriya ama cunno sumow; wuxuuna keenaa matag iyo shuban.
aalad-kabniin [m.dh] (-do-kabniin, m.l)
(daaw.) Aalad adag oo lagu kabo addimada ama meel kale oo jirka ka mid ah marka ay jabaan ama kala baxaan. Waxay ka sameysantahay balaastig ama faashad lagu qooyey wax loo yaqaan “plaster of Paris” waxaana lagu dhejiyaa meesha jaban si dhaqdhaqaaqa looga celiyo lafaha la isu keenay.
kaadicaso [m.dh]
1. Cudur lo'da ku dhaca oo
shilintu keento midabka kaadiduna guduud
ka dhiga. 2. Cudur kelyaha dadka ku dhaca
oo kaadida caseeya.
raabiya [m.dh]
(daaw.) Cudur muddo gaaban
oo uu keeno fiirus, wuxuuna ku dhacaa
maskaxda iyo xangullada ee xoolaha dhiigga
kulul, waxaana sida badan dadka u gudbiya
qaniinyada ey cudurka qaba. Astaamuhu
waxay soo baxaan muddo u dhexeysa 10 beri
ilaa sannad waxayna ka koobanyihiin: jir
xanuun, qandho, dhibaato neefsashada,
dhareerid, xilliyo qofku aad u kacayo iyo
muruq-roor xanuun badan oo ay liqiddu
keento. Xaaladaha dambe ee cudurka; aragga
biyaha oo keena qallal iyo curyaannimo.
Dhimashadu waxay dhacdaa 4-5 beri
dhexdood.
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.