keeda
(mu.lh.l)

(kuweeda, w) Magacuyaal lahaansho oo dhaddig, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dhaddig) ay leedahay. Tus.”keedu wuxuu ka muuqdaa halkaas”. .

keeda
(dk.lh.l) (-keeda)

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee dheddig) ay leedahay. ld keed.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh keeda

afaraad [m.l/dh.t.j]
Tirada jagaale, keeda u dhigma afarta. ld afraad.

cawl [m.l]
1. Midab casaan xigeen ah. 2. Cawsha keeda lab.

dawac [m.l] (-cyo, m.dh)
Dawacada keeda lab.

deer [m.l] (-rar, m.l)
Deerada keeda lab.

haldhaa [m.l] (-aayo, m.dh)
Gorayada keeda lab.

halyey [m.l] (-yo, m.dh)
1. Uubatada keeda lab. 2. Geesi, wabar.

huryo [m.dh] (-ooyin, m.)
1. Dawacada keeda dheddigga ah. 2. Shimbir yar oo ganfuur cas oo geela garbaha ka cunta; jirri.

keed [dk.lh.l] (-keed)
ld keeda².

kee [mu.we.l]
kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. tus. “ Waa kee midka aaday xafiiska?.” .

kee [dk.we.l] (-kee)
Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tus. “Wiilkee baa kula hadlay?”.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg