keenee
(Fal Gudbe2 | Verb Transitive2) (-neeyay, -naysay)

Awr keeno gelin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh keenee

laab [m.l (jool.)] (-bab, m.l)
Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.

nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.

bolshofiik [m.l]
(siyaa.) Hab siyaasadeed iyo fikrad uu Lenin iyo kuwii raacsanaa ay keeneen dalka Ruushka kacaankii Ruushka kaddib 1917.

galaan [m.l] (-nno, m.dh)
1. Xarig awrka lagu keeneeyo. 2. Weel yar oo biyaha lagu darsado. 3. Weel dheg leh oo afar litir qaada. 4. Saab digaagga lagu qaado marka la guuraayo.

holac-cad-hunguri [m.l] (-cyo .., m.dh)
(daaw.) Halaamacood hunguriga cad oo neeftu marto sida badan ka yimaada infekshin marka hore ku dhaca cunaha iyo sanka, oo ay keeneen fiirus ama baktiiriya. Cudurku wuxuu keena xanfaf laabta hoose, qufac xanuun leh, waxaa aalaaba weheliya dhuun-neef-holac (bronchites).

keenayn [m.f.dh]
eeg keenee.

sulufaad [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
Dhibaato, oon iyo colaadi keeneen la kulmid.

keen [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tus. “Cali baa isugu keen yeeray”.

keen [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-nay, -ntay)
1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. .

keen [dk.lh.l] (-keen)
ld keenna².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg