kelli
(m.l) (-iyo, m.dh)

Biyomareen yar oo beeraha lagu waraabiyo. ld keli¹ (3).

kelli
(m.dh) (-iyo, m.l)

Mid ka mid ah labada cad oo digirta qaabkeeda leh oo uurka ku jirta (lafdhabarta labadeeda dhinac) oo waxa oogadu raacdo iyo dhiigga kala soocda, oo kaadi ahaan dibadda uga soo saarta.

kelli
(m.dh) (-iyo, m.dh)

(c.nafl.) Xubin muhim ah oo qashinsaarka u qaabilsan lafdhabarleyda, taas oo laga saaro walxo wasakh naytaroojiin ah (inta badan, kaadi ahaan). Naasleydu waxay leeyihiin lammaane kelya ah oo ku yaalla bucda.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kelli

uur [m.l]
1. Inta u dhaxaysa bogga miskaha iyo laba kelliyood waxa ku jira: beerka, caloosha, xiidmaha iwm. 2. Ilma galeenka cunuggu ku jira kolka uu dusha ka muuqdo oo calool weyn u ekaado. 3. Laabta.

dhuux-geed [m.l]
(baay.) habdhiska kelli ee jirridda ubaxlayda iyo beerlammaa- nayaasha oo badanaa ka sameysan nudaha baarankiima. Xididdada qaarkood, hab- dhiska kelli wuxuu noqdaa baarankayma, halkii uu ka noqon ahaa saylam, xididdada noocaas ahina waxay leeyihiin 0 dh.g Shaqada dh.g.ku waa kaydinta cuntada.

digir [m.dh]
Nooc dalagga ka mid ah, dhala miro u eg qaabka kellida, leh midabbo iyo jaadad kala geddisan. ld diir².

keli [m.l] (-iyo, m.dh)
1. Geed yar oo leh laamo wada buruq-buruq ah oo aroorro leh oo dhirta daawada ka mid ah. 2. Oo k. ah: mid ah, aan la wehelin. 3. ld kelli¹.

kelli-badeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Gacan badeed oo aan aad u ballaarayn oo iskuxira laba badood, oo dhex mara laba dhul oo waaweyn.

kellibalow [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
K. ah: xoolo aan dhergin. ld gellibalow.

kelliggub [m.l]
Summad geel oo ah bar dab ah oo kellida korkeeda lagu dhigo.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg