keynaan
(m.l)Summad : V. Dhakhsaha bara-baxa walax. Keynaan waa xawaare ji-heysan. Keynaan waa xaddi leeb, xawaa-ruhuna waa xaddi foolwaa.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh keynaan ↴
daafad [m.dh]
(fiis.) Daafad xariiqeed (p) ee walax waa taranta cufkeeda (m) iyo keynaanka (v) ee walaxda. Daafaddu waa xaddi leeb oo u jeeda dhanka jihada keynaanka.
daafad-xagleed [m.l]
(fiis.) Summad L. Taranta keynaanka xagleed ee walaxda (w) iyo wahsiga maroojiskeeda. Tus. “L = Iw”
xaddi leeb [m.l] (-iyo ..., m.l)
Xaddi leh jiho iyo laxaad, waxaana ka mid ah barabaxa, kay-naanka keynaan xagleedka, xoogga iwm xad-di leebka waxa sawir ahaa u taagnaan kara xariiq (leeb) dhererkeedu uu saamiggal ku yahay laxaadka xaddiga, jihadeeduna uu yahay ka leebkaas.
karaar [m.l]
(fiis.) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2).
weheliyaha qallocsanka sugan [m.l]
(fiis.) Summad na. Saamiga keynaanka ilayska ee madhane iyo keynaanka ilayska ee dhextaal Na = C/Co taasoo C - ay tahay xawaaraha ilayska ee madhane, Co - ay tahay xawaaraha ilayska ee dhextaal.