khabar
(m.l)1. Dhacdo naxdin leh. 2. ld khabaar¹.
khabar
(m.l)(nax.) Curiye weerta ka tirsan oo tilmaama waxa yeelaha laga sheego. Tus. “Saalax waa wiil fiican”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khabar ↴
khabaar [m.l] (-rro, m.dh)
Wax aan horey loo ogeyn oo laysu sheego ama la helo; war. ld khabar.
khabaarsi [m.l]
Dhibaato ay dhaliyeen col iyo abaar. ld khabarsasho.
khabarsad [m.l]
ld khabarsasho.
khabarsasho [m.f.dh]
eeg khabarso. ld khabarsad, khabarsi.
khabarsi [m.l]
ld khabarsasho.
khabarso [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-saday, -satay)
Khabar raadsasho.
weer [m.dh] (-ro, m.l)
(nax.) Ereyo taxan oo micne buuxa leh; yacni wadajirka khabarka iyo mawaadiicdiisa; hawraar.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg