khad
(Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine)Wax shubma oo madow ama midab kale oo wax lagu dhigo ama wax lagu daabaco; anqaas.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khad ↴
maakhad [m.dh]
1. Awood, karti. 2. Hadal been ah.
maakhadee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-deeyay, -deysay)
U maakhadee cid been ku madadaalin.
maakhadeyn [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg maakhadee.
naastro [m.dh] (-ooyin, m.l)
1. Qalab hadalka iwm ku duuba cajaladaha. 2. Silsilad xabbadaha qorigu ku jiraan oo boobayaasha culus la geliyo. 3. Mullaax maro ah oo khad leh loo isticmaalo makiinadaha qoraalka.
yulkhad [m.dh]
Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min hal, madaxa tan ka hoosaysana labo.
bakteeriya [m.dh] (-ayaal, m.l/dh)
(baay.) Noole ili-ma-aragtay ah oo dhammaantood ka kooban hal unug, kuwaas oo aan lahayn xuub bu'eed u gaar ah, hase yeeshee leh gidaar unug oo samays u goonniya leh. B.da badanaaba waxa lagu kala soocaa habka khadaynta Garaam (ha u baahnaato ogsajiin ama yaanay u baahnaan) iyo qaabka muuqaalkooda.
barkhad [m.dh]
Kheyr badan oo Eebbe laga helo.
barkhadayn [m.f.dh]
eeg barkhadee.
barkhadee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-deeyay, -daysay)
Cid barkhad siin (Eebbe).
barkhadle [m.l]
Qasiido haweenka u gaar ah oo la tiriyo munaasabadaha aroosyada.