khafiif
(m.l)1. Kh. ah: wax culays yar; wax jurmi yar. 2. Qof maskaxdiisa wax u dhimanyihiin.
khafiif
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-fay, -ftay)1. Qof maskaxda wax uga dhimman yihiin noqosho. 2. Ku kh.: wax jacayl awgii ku waalasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khafiif ↴
alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
ashkir [m.l]
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.
bac [m.dh] (-cyo, m.l)
1. Maaddo balaastiig ka samaysan, khafiif ah oo wax lagu deto, dambiilo wax lagu ritana laga sameysto. 2. Dharbaaxo; jaawin.
barambaro [m.dh]
Cayayaan midab bunni ah, geeso dhaadheer iyo lababaal oo khafiif ah oo qolof adag ku hoos jira leh oo ku nool musqulaha iyo meelaha qashinku yaallo. ld baranbaro.
barqorraxeed [m.l] (-dyo, m.dh)
(c.fal.) Bar qorraxda dusheeda ah, marmarka qaarkoodna waxa laga arki karaa lakab daruureed khafiif ah ama muraayad madow isha qaawan. Bilowgeedu wuu qarsoonyahay, laakiin waxa la rumaysanyahay inuu ka koobanyahay neefo ku meersan gibilka qorraxda.
bitaan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-amay, -antay; -ami)
Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bitaan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa,-nayd)
Ciid khafiif ah hawo ku baahid.
bocool [m.dh] (-lo, m.l)
1. Qolof adag oo nafley yaryar oo biyo ku nool ah galaan oo laga helo xeebaha iyo meelaha ay biyuhu ka guraan. 2. Meel calaacasha ama cagaha ka mid ah oo uu dhacaan khafiif ah galay marka cirid lagu socdo ama hawl adag gacnaha lagu qabto.
buluug [m.l]
1. Midab kan cirka ama badda oo kale ah. 2. Qurus yar, budo buluug ah ka samaysan oo dharka cad la geliyo si midabkiia loo khafiifiyo.
cuwaaf [m.dh]
Cunto yar oo khafiif ah oo la cuno inta u dhexeysa waqtiyada rasmiga ah ee wax la cuno.