khal
(m.l)

Waxyaalaha lagu saqraamo oo cinabka la khamiiriyay laga sameeyo oo kala go'a dhanaanna isu roga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khal

amran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
1. Wax amar la siiyay ahaansho (cid). 2. La khaliifay ahaansho (qof).

daah [m.l] (-hyo, m.dh)
Ilixir laga sameeyay dhar ama shiraac ama wax kale oo lagu xiro albaabbada iyo khalfadaha iwm ama qolalka lagu kala gooyo.

daaqad [m.dh] (-do, m.l)
1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go'loo qaybin karo.

dakhal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo farnaanka iyo shiraaca celiya. 2. Qar hoos u dheer.

dariishad [m.dh] (-do, m.l)
Mid ka mid ah daloollada loo yeelo aqallada iwm oo ay iftiinka iyo naacawdu ka soo galaan; khalfad.

gaf [m.l] (-faf, m.l)
1. Khalad. 2. Meelkadhac. ld gef.

gaf [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-fay, -ftay)
1. (f.g) Khalad samayn. 2. (f.g) Haleeli waayid. 3. (f.mg) U g.: cid meelkadhac ku samayn.

gedmi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Tiro, xisaab iwm cid ka khaldi.

gedmo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-maday, -matay)
Tiro, xisaab iwm khaldami.

isciilkaabi [m.l]
Is-hiifidda ama ka shallaynta khalad la sameeyey.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg