khamiirin
(m.f.dh)eeg khamiiri.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khamiirin ↴
asiidh-laagtika [m.dh] (-dyo ..., m.dh)
(baay.) Asiidh dhanaan oo dhis naanays molikiyuulkeedu yahay CH3CH(OH)COOH, asiidhka laagtig waxay ka timid asiidhka bayruufig, marka muruqyadu firfircoonyihiin ogsajiintuna xaddidantahay. Taasoo si isbada joog ah beerku u saaro una beddelo gulukows. Jimicsiga xoogga badan waxa laga yaabaa in ay ku ururto muruqyada dhexdooda taas oo keenta muruqyo xanuun. Waxa kale oo ay asiidhka laaktig ka qayb qaadataa khamiirinta caanaha, iwm.
faaxi [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
1. Bur, badar iwm khamiirin. 2. ld faafi.
itanol [m.l]
(kiim.) Alkohool hoor ah oo bida, midabna aan lahayn. Itanoolka waxa lagu soo saaraa dariiqadda khamiirinta sonkorta.
qamiirin [m.dh]
ld khamiirin.
khamiir [m.l]
1. Badar cajiiman, muddo la huuriyo si loo dubi karo. 2. Badar yar, cajiiman oo canjeero, bur iwm lagu fixiyo.
khamiir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Badar cajiiman khamiir noqosho.