khayr
(m.l) (-raad, m.l)Wax wanaag ku jira oo dhan.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khayr ↴
allaqabey [m.l] (-bayaal, m.l/dh; -bayo, m.dh)
Qof aan khayr badan lahayn.
bad-dhac [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
1. Qof ku nool khayraadka badda oo kaliya. 2. Qof ku xildheer arrimaha badda.
daahiro [m.dh]
Nicmo iyo khayr aad u badan.
dhurow [m.l]
1. Liibaan; khayr. 2. ld dhuroobid.
dhurow [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-oobay, -owday; -oobi)
Liibaan, taran, khayr iwm helid (qof).
ducee [Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2] (-ceeyay, -ceysay)
Eebbe khayr ka dalbid.
duceyso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-stay, -satay)
1. Eebbe khayr weyddiisasho. 2. Ka d.: cid duco ka kasbasho.
duco [m.dh] (-ooyin, m.l)
Oraah Eebbe khayr lagaga dalbayo.
ehelakhayr [m.l] (-rro, m.dh)
ld ehelukhayr.
ehelukhayr [m.l] (-rro, m.dh)
Qof caadeystay samaynta xumaha oo aan ku dhaqmin caqiidada islaamkaa. ld ehelakhayr, ehlu- khayr.