khoori
(m.l) (-iyo, m.dh)Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
khoori
(m.l) (-iyo, m.dh)1. (juqr.) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqr.) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh khoori ↴
makhoorid [m.f.dh]
eeg makhoor². ld makhoor¹, mokhoor¹, mokhoorid.
mawjad [m.dh] (-do, m.l)
(juqr.) Kicidda iyo degista oogada badda, ugu dhowaan laba jeer maalintii, oo uu dhaliyo cufisjiidadka dayaxa iyo xoogga kan qorraxda ah. Oogada badweynta, faraqa u dhexeeya mawjadaha sare iyo kuwa hoose wuu ka yaryahay 1 m.; laakiin badaha godan ee qaaradaha xadka la leh waxaa laga yaabaa inuu ka bato 6 m., mawjadaha afafka dhuuban ee webiyada wuxuu gaadhaa 15 m. ama ka badan. Qulqul mawjadeed: waa u socodka biyaha mawjadda xagga khoori, af-webi, deked, iwm ee fatah mawjadeedka ama dusheeda ama mawjad noqdo.
mokhoorid [Magac Dheddig | Noun Feminine]
ld makhoorid.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg