kibir
(m.l)

Qab iyo islaweyni.

kibir
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bray, -birtay; -bri)

Qab iyo islaweyni muujin.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kibir

aabi [m.l ]
Gardarro isla weyni iyo kibir ku jiro oo cid lagula muujiyo.

tadhah [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-hay, -hday)
Qof maal ama darajo uu helay awgeed, kibir iyo isla weyni ku abuurmid.

amar [m.l] (-rro/awaamiir, m.dh)
1. Erey ama weer cid lagu farayo inay hawl fuliso. 2. Dhibaato weyn. 3. Kibir iyo qab weyni wadajira. 4. A. Alle: maqaadir Alle.

amarti [m.dh]
Isla weyni iyo kibir wadajira.

asaddah [m.l]
1. Wax kala-garanwaa uu kibir keeno. 2. ld asaddihid.

badraan [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-nno, m.dh)
Qof isla weyni iyo kibir badan.

badrad [m.dh] (-do, m.l)
1. Kibir iyo aabi badan. 2. Saxan dheer oo bir ka samaysan oo rootiga lagu safo marka la dubayo.

bantar [Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate]
1. B. ah: fal aan qiimo lahayn, kibir ku jiro oo cidi ku kacdo. 2. B. ah: hilib aad caato u ah oo aan la cuni karin.

bantar [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
1. Fal aan qiimo lahayn oo kibir ku jiro ku kicid. 2. Hilib aad u caatoobid.

basarikibir [m.dh]
Qab iyo isla weynaan ka muuqda haweeney baali ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg