kici
(Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2) (-iyay, -isay)1. (f.g) Wax fadhiya istaajin. 2. (f.g) Qof hurda toosin. 3. (f.g) Qoraal hikaadin. 4. (f.g) Matoor iwm howlgelin. 5. (f.mg) Ku k.: col meel ku weerarid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kici ↴
aabyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
gaadaami [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-iyay, -isay)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore isku xirid si aanu u kicin.
gaadaan [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-aamay, -aantay; -aami)
Awr la rarayo luqunta iyo jeeniga hore iskaga xirid si aanu u kicin.
haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.
haadi [Fal Gudbe/Magudbe2 | Verb Transitive/Intransitive2] (-iyay, -isay)
1. Badar la tumay buunshe ka saarid. 2. Haad cayrin. 3. Diyaarad kicin. 4. Gacan h.: gacan ruxid oo salaan ama baaq looga golleyahay. ld haati. haati
edebdarroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka e.: anshax xun ku kicid.
ee [Xiriiriye | Conjunction]
1. Eray lagu xiriiriyo laba weerood aan xor ahayn. Tus. “Nin wanaagsan ee geesi ah”, “Xarunta dhexe ee xisbiga”. 2. Eray lagu xiriiriyo laba weerood xor ah. Tus. “Ha kicin wuu bukaa ee ama wuu bukaa ee ha kicin”, “Meel kastaba aynu ka eegno ee heli mayno”, “Cali wuu shaqayay ee Maryam baa seexatay”. ld e. e
laablakicid [m.dh]
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
nabdaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.
ki [dk.lh.l] (-ki)
ld kiisa².