kicid
(m.f.dh)eeg kac.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kicid ↴
aabyoo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ku aa.: cid xumaan aanay mutaysan kula kicid.
aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid.
2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid.
3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan.
4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid.
5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
haad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
1. Wax baalal leh dhul kor uga kicid. 2. Ka h.: naf, qof ka bixid. Tus. “Cali way ka haadday”.
edebdarroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka e.: anshax xun ku kicid.
laablakicid [m.dh]
Fal ka fiirsi la'aan iyo caadifadi hoggaamiso dareemid.
nabdaad [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Cabsi yar darteed hurdo ka kicid; hambabbaar.
nabdaado [m.dh]
Si cabsi ku jirto uga kicidda hurdada.
oodkicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg oodkac².
tabkicid [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg tabkac². ld tabkac¹.
yeel [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-eelay, -eeshay)
1. Cid arrin ama wax kale ka aqbalid. 2. Kab go'day samayn. 3. Wax samayntooda ku kicid.