kiilo
(m.dh) (-ooyin, m.l)Kun garaam culayskood; kiilogaraam.
kiilo
(Fal Gudbe3 | Verb Transitive3) (-iishay, -iilatay)1. Wax cabbirasho; miisaamid. 2. Ciyaar turub bilaabasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kiilo ↴
taag-dhuleed [m.l] (-dyo, m.dh)
(juqr.) Laab-ka kor u kacsan ee buuraha laalaabka, oo ilaa dhawr kiilomitir kala baxsan.
dabakakiilo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-iishay, -iilatay)
Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
faraasilad [m.dh] (-do, m.l)
Shay wax lagu miisaamo oo culayskiisu u dhigmo 16 kiilo ama 28 rodol. ld faraasilo.
garaamme [m.l]
1. Kiilo kun meelood loo qaybiyey meel ka mid ah. 2. Raashin, hal meel xaq u leeyahay. ld garaam, garaammo, garaa.
goosarad [m.dh] (-do, m.l)
Timir 25 kiilo ah oo callaal, jawaan iwm ku jirta. ld koosarad.
halbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg [m.l] (-gyo, m.dh)
Xaddi lagu heshiiyey in uu u taaganyahay cabbir (mitir, dherer, seken, ammin, kiilogaraam, cuf iwm).
halbeeg [H.C.]
m.l (-yo H.C., m.dh) (xis.) H.ga H.C. (Habka Caalamiga) waa hab caalamku ay wadajir ahaan isugu raaceen, loona adeegsado laamaha cilmiga. Habkani waxa uu ku salaysanyahay habka M.K.S. (mitir, kiilogaram iyo seken), waxanau beddelay habka C.G.S. (santimitir, garaam iyo seken) iyo F.B.S. (fuudh, bawnd iyo seken).
jiraab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
kaarad [m.dh] (-do, m.l)
Kiish timirta lagu guro, wareegsan oo qaada 20-25 kiilo.
kii [mu.ac.l]
kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
kii [dk.lh.l] (-Kii)
ld kiisa².
kii [q.l] (-kii)
Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”