kiin
(mu.dhm.ly)Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”.
kiin
(dk.lh.l) (-kiin)ld kiinna².
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kiin ↴
laakiin [Xiriiriye | Conjunction]
(nax.) Erey xiriiriya laba tixood oo ulajeeddooyinkoodu is diiddanyihiin; illowse, ha ahaatee, hase yeeshee. Tus. “Waxaan ku iri wax ma haysto, laakiin ima aadan rumaysan”. ld walaakiin.
alkiin [m.l] (-no, m.dh)
(kiim.) Nooc haydarokarboon ah oo leh naaneysta guud ee C H . Alkiinada (oo hore loo oran jiray olifiino) waa iskudhisyo aan dheregsaneyn oo leh dabar lammaan oo kaarboon-kaarboon ah.
boohaar [m.dh] (-ro, m.l)
1. Cabbir u gaar ah beeyada oo u dhigma afar kiintaal. 2. Falxad. 3. B. ah: nafley aad u xoog badan.
kiinjo [m.l]
Qasabka alanka ugu hooseeya ee macaan.
kiinna [mu.lh.l]
(kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.
kiinna [dk.lh.l] (-Kiinna)
Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. ld kiin².
kiintaal [m.l] (-llo, m.dh)
Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.
kiismiskiin [m.l]
Codsi qof u qorto maxkamad si looga dhaafo kharajka ku baxaya dacwadda loo qaadayo.
ki [dk.lh.l] (-ki)
ld kiisa².