kiinna
(mu.lh.l)

(kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”.

kiinna
(dk.lh.l) (-Kiinna)

Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. ld kiin².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kiinna

kiin [dk.lh.l] (-kiin)
ld kiinna².

kooda [mu.lh.l]
(kuwooda, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax iyagu (qofka saddexaad ee wadarta ah) ay leeyihiin. Tus. “Kooda ayaa ka wanaagsan kiinna”.

kuwiinna [mu.lh.w]
eeg kiinna¹ / tiinna¹.

kiin [mu.dhm.ly]
Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”.

kiin [dk.lh.l] (-kiin)
ld kiinna².

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg