kiish
(m.l)Kolay maro, harag iwm ka samaysan oo wax lagu rito. ld kiis¹.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kiish ↴
ugxanside-yare [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
(bot.) Qaybta organnada taranka dheddigga ee iniinyaha geedka, taas oo ka kooban bu'da, kiish uurjiif iyo lakab ugxaneedya.
alfiyoole [m.l] (-layaalyo, m.l/dh)
(c.nafl.) Kiish yar oo ka samaysan xuub khafiif ah, oo ay ku daboolanyihiin tintaafyo wada shaqaynaya oo ku yaalla dhammaadka faracyaraha hunguriga oo neefsashada sambabadu ka dhacdo dushiisa. Sambabku waxa uu leeyahay alfiyoole fara badan. Alfiyoolayaasha ku jira sambabka aadanaha waxa bedkiisa lagu qiyaasay inuu yahay 100 mm.
callaal [m.l] (-llo, m.dh)
1. Kiish yar oo caw ka samaysan oo hilibka, timirta iwm lagu rito. 2. In yar oo raashiin ah oo xayawaanka lagu dabo. 3. Deeq yar oo qof hawl qabtay la siiyo. 4. Alaab yar oo meel loo wado. 5. ld callaalid. ld calaal¹.
dabakakiil [m.l]
Haad uu nin kiishay oo labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay ay isu celiyaan (ciyaar turub).
dabakakiil [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-iilay, -iishay)
Nin haad uu kiishay, labadii ciyaare oo dhinaca ka fadhiyay isla haadkii isu soo celin.
dabakakiilo [Fal Gudbe3 | Verb Transitive3] (-iishay, -iilatay)
Haad turub nin kiishay midka bidixda ka xiga degasho.
dareenwade [m.l] (-dayaal, m.l/dh)
(c.nafl.)Xidhmo nudo ah oo ka kooban miiqaq darenwade iyo nudo tiiriya, kuwaas oo ku dhex xidhan kiish ah nudo isku xidhayaal. Dareenwadayaashu waxay ku xidhaan habdhiska dareenwadka dhexe orgaannada iyo nudaha jidhka.
doob [m.dh]
Cad yar, qaab kiish leh, cod weyn bixiya oo awrkaqooqani afka soo rido; gulgulo. ld doobbo.
faxal [m.l] (-llo, m.dh)
(baay.) 1. Xubuub cufan oo ka kooban gaamaytyada lab ee iniinta geedka, kuwaas oo ka baxa iyaga oo farabadan kiishfaxalka. 2. Labada laab ee sare ee faxal-sidaha geedka kuwaas oo had iyo jeer midabkoodu yahay hurdi, laab waliba waxa uu ka koobanyahay laba kiishfaxal oo ay ku dhex jiraan boodh faxal badani, kuwaas oo soo baxa marka faxalku qarxo.
goon [m.l]
(c.nafl.) Dalool, kiish ama qanjir dhacaan soo sara, sida daloolka ugxaanleyda.
kii [mu.ac.l]
kuwii, w Magacuyaal aan cayinnayn oo lab, oo cid ama wax la isla ogaa oo maqan oo aan magaciisa la sheegayn. Tus. “Kanu waa kii beryahanba aan raadinayay”: “Kii baa yimid”.
kii [dk.lh.l] (-Kii)
ld kiisa².
kii [q.l] (-kii)
Qodob magac lab dib looga qodbo, kaasoo tilmaamaya waxay hadlaha iyo maqluhu isla ogyihiin. Tus. “Ninkii baa yimid”