kilkil
(m.l)

Ruxidda si xoog ah wax loo ruxo.

kilkil
(Fal Gudbe1 | Verb Transitive1) (-ilay, -ishay)

Wax si xoog iyo dhakhso leh u ruxid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kilkil

hilib-ure [m.l] (-rayaal, m.l/dh)
Hilib ku yaal sarcanyaha iyo kilkilooyinka xoolaha.

jeeniqaar [m.l]
Qarqar ka ridashada maro, suun iwm iyadoo labadiisa dacal si iswaydaar ah laysugu xirayo kilkilada hoostooda.

kilkilayn [m.f.dh]
eeg kilkilee. ld kilkilays.

kilkilays [m.l]
ld kilkilayn.

kilkilee [Fal Gudbe2 | Verb Transitive2] (-leeyay, -laysay)
Cid kilkilada ka xagatayn.

kilkilid [m.f.dh]
eeg kilkil².

kilkilo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.

shaqiiqato [m.dh]
1. Xanuun madaxa dhinac ka qabta; goonjab. 2. Iin ku dhacda geela oo isu dhowaysa addimadiisa dambe oo kilkiluhu is xoqaan oo nabar yeeshaan.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg