kir
(Erey Dareen | Exclamation)Yallah!, hayahee! bax!, tag!, kac!, hus!, yur! ld kis.
Fakir*
Eeg Fakar, Feker.
* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kir ↴
kaadi [m.dh]
(baay.) Dareere biyo ah oo ay
sameeyaan organnada qashinsaarka ee
xayawaanku, si ay ugu saaraan qashinka ka
soo hadha dheefsashada. Xayawaanka sare,
kaadida waxa soo saara kelyaha, waxa lagu
keydiyaa kaadi haysta, waxaana laga
qashinsaaraa kaadimareenka ama koloykaha.
Marka laga reebo biyaha, waxyaabaha ugu
muhiimsan ee ay kaadidu ka koobantahay
waxa ka mid ah: maxsuulka dheefsashada
naytroojiin oo ah yuuriyo, amuuniya, asiidha
yuurik iyo kiritaniin iyo ayoonno aan
orgaanik ahayn.
ibriiq [m.l] (-qyo, m.l/dh)
Weel ka samaysan macdan, naxaas dhoob iwm oo af dhuuban, dhegdheer iyo dabool leh oo shaaha lagu karsado ama lagu shubto; kirli; jalmad. kirli, jalmad
naakirad [m.dh] (-do, m.l)
Naag sharcigu caddeeyay in ay ninkeeda caasi ku noqotay oo aan nin kale guursan karin. ld naakiro, naashiddo, naashiso, naashuusho.
naakiro [m.dh]
ld naakirad.
ashkir [m.l]
Midab fardood ka kooban caddaan iyo casaan khafiif ah.
baaybal [m.l]
(dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.
barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.
calooshi-ushaqayste [m.l]
(calooshood-ushaqaystayaal, m.l) Qof loo kireysto dil, dhac, qarbudaad iwm.
daakir [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-ray, -rtay)
Arooryo hore addimid.
daakiraad [m.dh]
1. Addinka iyo ducooyinka la akhriyo arooryada hore. 2. Waqtiga addinka arooryada hore.
k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka
soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.