kirishtaan
(m.l) (-nno, m.dh)

(dii.) Nin aaminsan diinta Masiixiga.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kirishtaan

baaybal [m.l]
(dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.

barashada cilmiyadii hore [m.dh]
(taar.) Barashada su'aalaha caamka ah, laga bilaabo far qoriddii hore, iyo barashada Kirishtaannimada, sidii ay sameeyeen Yurub qarnigii 9aad ilaa kii 17aad.

diin-fidiye [m.l] (-yayaal, m.l/dh)
(dii.) Qof kiristaan ah oo loo soo diray waddan shisheeye si uu u baro kirishtaanimada.

injiil [m.l]
(dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.

jisyo [m.dh]
Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. ld jisyad.

kirishtaanad [m.dh] (-do, m.l)
(dii.) Haweeney aaminsan diinta Masiixiga.

kirishtaannimo [m.dh]
(dii.) Kirishtaan ahaansho.

laqimaad [m.dh]
(dii.) Marka qof la kirishtaaminaayo, waxaa biyo ku shuba madaxa kirishtaanka taasoo ay calaamad u tahay in uu ka mid noqday kaniisada kiristaanka, dambigiisna uu dhaqmay.

saliib [m.l]
Istillaab kirishtaanka summad u ah.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg