kis
(m.dh)

In yar; xoogaa; kistoo.

kis
(Erey Dareen | Exclamation)

ld kir.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kis

aad [Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1] (-day, -dday)
1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.

taakiso [m.dh]
Jaad diir diirta ka mid ah oo la moodo markay soconayso inay wax taakinayso.

tafaariiq [m.dh]
Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.

beeba [m.l]
Ciyaar lagu jidboodo oo laga yaqaan degaanka webiyada, gaar ahaan magaalo-xeebeedyada koonfureed (Xamar, Marka iyo Kismaayo).

bunkis [m.l]
Baqshad. ld bungis.

cakis [m.l]
ld cakisid.

cakis [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-say, -stay)
1. Wax ama qof joojin. 2. Wax rafaaqid; cajiimid. 3. Qof dilid.

cakisan [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-smay, -santay; -smi)
Wax la cakisa noqosho.

cakisan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-snaa, -snayd)
Wax la cakisay ahaansho (bur, timir, dhoob, iwm).

cakisid [m.f.dh]
eeg cakis². ld cakis¹.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg