kitaab
(m.l)(kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l) 1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kitaab ↴
jaamac [m.l]
1. Kitaabka Quraanku ku qoranyahay. 2. Masaajidyada magaalada kan ugu weyn.
baaybal [m.l]
(dii.) Kitaabka diimeed oo muqaddaska u ah yahuudda iyo kirishtaanka.
faataxo [m.dh] (-ooyin, m.l)
Suuradda ugu horreysa kitaabka Qur'aanka kariimka.
furo [Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3] (-rtay, -ratay)
1. (f.g) Albaab iwm ballaqsasho. 2. (f.g) Wax xarig ku xirnaa ka baxsasho. 3. (f.g) Wax horay loo dhacay xoog ku soo ceshasho. 4. (f.g) Wax sida dhar, lacag iwm cid xoog uga qaadasho. 5. (f.g) Qof qaan u xirnaa si loo furo qaantii loo haystey bixin. 6. (f.g) Kitaab qur'aan iibsasho. 7. (f.mg) Ka f.: saaxiibtinnimo qof lala lahaa burin.
furqaan [m.l]
1. Kitaabkii Eebbe u soo dhiibey Nebi Maxamed. 2. Diinta Islaamka.
injiil [m.l]
(dii.) Axdiga Cusub. Qeyb ka mid ah kitaabka kirishtaanka kaasoo la xiriira noloshii Nebi Ciise, iyo diinta Masiixiga Kaniisadii hore ee Masiixiyiinta.
jalaal [m.l]
1. Ganaax lagu xukumo qof dembi yar galay. 2. Kitaab Quraan ah sharrax leh.
jelled [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-day, -dday)
1. Buug, kitaab iwm jeldi u samayn. 2. Maqaar il, kor u rogid. 3. Badar kala saarid. ld jillad.
jisyo [m.dh]
Canshuur muslinku ka qaadi jirey dadka ehelu kitaabka ah sida Kirishtaanka iyo Yuhuudda. ld jisyad.
jus [m.l] (-sas, m.l)
1. Soddonka qaybood oo kitaabka Quraanku u qaybsamo midkood. 2. Kitaab weyn oo dhawr qaybood loo kala daabacay midkood.