kob
(m.dh) (-bo, m.l)

1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kob

okobban [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
Qof wax la faray oggol oo qabashadiisa ku faraxsan ahaansho. ld okobboon.

okobbanaan [Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine]
eeg okobban. ld okobbanaansho, okobboonaan, okobboonaansho.

okobbanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld okobbanaan.

okobboon [Fal Gudbe4 | Verb Transitive4] (-naa, -nayd)
ld okobban.

okobboonaan [m.dh]
ld okobbanaan.

okobboonaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld okobbanaan.

rab [m.dh]
Meel; kob.

adhaxle [Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective]
(baay.) Faylam xayawaan oo leh adhax duleed oo ay dhexda ugu jirto xangulle dareen wade, heerarkooda kobcinta qaarkood waxay leeyihiin adhax dabacsan iyo dalool waafiyeed oo u furan dalqada. Waxa jira faylam hooseed, kuwaas oo kan ugu weyn loo yaqaan lafdhabarley. ld araxle.

boodh [m.l] (-dho, m.dh)
(baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.

daraf [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine] (-rfo, m.l/-fyo, m.dh)
1. Meesha wax ugu baallaysa. 2. Labada kobood ee casaamka ah ee derinta dacalladeeda lagu tolo middood.

k [m.dh]
(ka') Xarafka kow iyo tobnaad ee alifka soomaaliga, waana shibbane. ld kaaf.

_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg