kolay
(m.l) (-yo, m.dh)Kiish ama qandi alaabta lagu rito.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kolay ↴
ohli [m.l]
(ohli/-iyo, m.dh) Kolay weyn harag ama mayrax ka samaysan oo badarka iyo waxyaabaha yaryar ee guriga lagu gurto.
adab [m.dh] (-byo, m.l)
1. Qalab u gaar ah aqal Soomaaliga oo wax lagu rito sida qufadda, xashinta iwm. 2. Kolay yar oo ka samaysan harag ama mayrax oo ay haweenku wax ku gurtaan.
afmeeran [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-rnaa, -rnayd)
Wax afmeer loo yeelay ahaansho (weel kolay ah).
candhasaab [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-bay, -btay)
Neef ari ah si aysan dhashiisu u nuugin kolay harag ama maro ka samaysan candhada u gelin.
jiraab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
kolayfiiq [m.l] (-qyo, m.dh)
Weel qashinka lagu ururiyo.
kolaytis [m.l]
(daaw.) Halaamacoodka mindhicirka waaweyn. Astaamaha u badan waa: shuban mararka qaarkood ay la socdaan dhiig iyo axal iyo xanuun urkurjirtada hoose.
min [m.l] (-nan, m.l)
1. Guri, aqal. 2. Ilmaggaleen, ilmasideen. 3. Kolay weyn oo timir ah. ld minan.
qalqale [m.l]
1. Summad geela lagu dhigo oo u eg qaanso aad loo tooxay oo dheegga lagu dhigo. 2. Kolay harag ka samaysan oo fardooleyda, xoolo jirta iwm wax ku ritaan.
kol [m.l]
1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol [Xiriiriye | Conjunction]
K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”