kolon
(m.dh) (-lmo, m.l)1. Labo cad oo yaryar oo dhuudhuuban oo cunaha ariga qaarkiis ka baxa midkood. 2. Buro jirka meel ka mid ah ka soo baxda oo laallaadda. 3. (w) eeg kolmo.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh kolon ↴
jeekam [m.l] (-mo, m.dh)
(daaw.) Qayb xidmeed oo ku yaal meesha ay iskaga dhegsanyihiin xiidmaha yar yar iyo xiidmaha waaweyn. Afka sare wuxuu ka mid yahay kolonka, afka hoosana waxa ku yaal qabsinka.
qabsin-ood [m.l]
1. Cad yar oo buro ah oo dhuuban, oo doc af ku leh docna ka oodan oo qabsinka madaxiisa ka laallaada; kolon. 2. Xanuun qabsin-oodka qabta. ld qabsin-oodane.
tiirfoorara [m.l]
(jool.) Kolon walax macdaneed ah oo ka soo lulata bar kore, muuqaal ahaan waxay u egtahay ul-baraf, Tusaalaha ugu caansani waa didibka oo inta badan laga helo isagoo ka soo lusha dedka god dhagax nuuradeed.
tiirtaagan [m.l]
(tiirotaagan, m.l) (jool.) Kolon didib ah oo ay biyo ku sameeyeen dedka god, oo uu ku jiro milan-didibeed saqafka ka soo da'ya.
kol [m.l]
1. ld kal 1. (kolal, m.l) Waqti, jeer; mar. Tus. “Cali kol baan arkay”. 2. K.ba: mar walba. 3. K.ka: haddaba, sidaas darteed. 4. K.kiiba: isla waqtigii. 5. K.naba ama k.laba: si kastaba; dhab ahaan. 6. Waa k. iyo laba: marmar buu dhacaa.
kol [Xiriiriye | Conjunction]
K.ka ama k.kii: erey lagu xiriiriyo weer waqtiley ah. Tus. “Kolka uu geelu oomo ayuu olol badnaadaa.”