konton
(m.l.t.)Tiro ka kooban shan meelood oo min toban ah; shan tobnaad; “50”.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh konton ↴
dhibic [m.dh] (-bco, m.l)
1. In yar oo hoore qaab kankoonsan leh oo meel ka soo go'a. 2. Tirada tartan, imtixaan, ciyaar iwm laga keeno. Tus. “Cali imtixaanka wuxuu keenay konton dhibcood”. 3. Roob xoog leh. 4. Joogsi.
jiraab [m.l] (-bo/-byo, m.dh)
1. Kolay harag ama wax kale ka samaysan oo cuntada miraha ah lagu gurto. 2. Konton (50) kiilo oo timir ah oo jiraab caw ka samaysan ku jirta.
kontomaad [m.l.t.j]
Midka ku abbaaran tirada konton. ld kontonaad.
kontomeeye [m.l.t.]
Tiro qiyaas ahaan konton u dhow. ld kontomeeyo.
kontonaad [m.l.t.j]
Tirada jagaale, kan kontonka u dhigma. ld DSI, kontomaad.
_________________________________
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg